“8000 ayaa dacwo xaraystay”

32

Xiriir aan la sameeyay Laanta Socdaalka ayay iiga warameen halka ay marayso xaalada mideynta reeraha Soomaalida. Sidoo kale warbaahinta Sweden ayaa dhowr mowduuc ka qortay isbuucaan isla arintaan.

Haddii aan ku bilaabo warbixintii ay i siiyeen Laanta Socdaalka. Ayay ii sheegeen in ilaa 8000 oo codsi uu soo gaaray safaaradaha Sweden ay ku leedahay bariga Afrika. Waxay intaas ku dareen in 3500 ka mid ah dacwooyinka ay hada gacanta ku hayaan gacanyaraasha Laanta Socdaalka, balse inta kale aysan wali soo gudbin safaaradaha. Sababta aysan u soo gudbin safaaradaha ayay ka gaabsadeen in ay faahfaahiyaan. Waxay kale oo cadeeyeen in inta badan dadka kiisaskooda soo gareen Laanta Socdaalka laga qaaday dheecaanak DNA, oo durbadiiba qaar la siiyay ogolaansho.

Sidoo kale waxaa hada soo bilowday imaashaha dadkii ogolaashaha la siiyay. Magaalooyinka Norrköping, Göteborg, Borlänge, Sala , Stockholm ayaa ka mid ah goobaha ay yimaadeen dadka mudada sugayay in lala mideeyo reerahooda. Farxada iyo reynreynta ka muuqata dadkaas la mideeyay ayaa ah mid aan la soo koobi karin. Iyagoo in ka badan labo sano ay si wada jir ah u wada ciideen.

Waxaa la filyaa ilaa 27 000 oo Soomaali ah in ay dacwo xareystaan ilaa sanadka 2014 balse dadka aan caruurta lahayn iyo caruurta la soo korsaday ayaa ilaa hada aysan jirin wax rajo ah oo ku aadan mideyntooda. Waxaa muuqata in ay meesha ka baxday ololihii loogu doodayay dadkaan. Si kastaba ha ahaatee, culeyskii ugu weynaa ee saaarnaa Soomaalida ayaa u muuqda mid hada la fududeeyay.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here