12 Gudoomiye degmo oo warqad u qoray dowlada ku saabsan Soomaalida

14

12 ka mid ah gudoomiyaasha degmooyinka Sweden ayaa warqad u qoray dowlada taasoo ku saabsan Soomaalida cusub ee qoysaskooda lala mideynayo. Gudoomiyaasha ayaa dowlada ka dalbaday in ay soo bandhigto qorshe cad oo ku saabsan sidii dadkaan loo qaabili lahaa. Waxay sheegeen in ay soo dhaweynayaan in la mideeyo reeraha maadaama uusan qofku noolaan karin reerkiisa la’aantiis balse waxay codsadeen in wax laga qabto su’aalaha hoose.

  • Sidee ayay dowladu u taageersaysaa kamuunada qaabilaya Soomaalida badan ee imaanaya. Kamuunada ay ku nool yihiin dad badan oo waxbarashadooda hooseyso?
  • Macquul ma tahay in qof aan waxbarasho lahayn in uu 2 sano gudahood shaqo ku helo?
  • Maxay qorshe ah oo dowladu u haysaa si wax looga qabto arimaha socdaalka ee quseeya wadanka iyo kamuunada?

Iyadoo dowladu ay hada go’aamisay in dadka cusub ee waaweyn ay gali doonaan Arbetsförmedlinen, ayaa kamuunadu waxay cabasho ka qabaan in dadkaasi aysan labo sano gudahood shaqo ku helin karin. waxay ka cabsi qabaan marka ay dhamaato labada sano ee Arbetsförmedlingen in ay dib ugu soo noqon doonaan kamuunka oo cayr ka qaadan doonaan. Kamuunada ayaa sida caadiga ah lacagta cayrta waxay ka bixiyaan jeebkooda.

Gudoomiyaasha ku saxiixan codsiga loo diray dowlada oo lagu soo daabacay wargeyska Dagens Nyheter (DN) ayaa waxay kala yihiin…

Mats Johnsson (m), Alvesta kommun

Jan Bohman (s), Borlänge kommun

Ulf Eriksson (c), Falköpings kommun

Anders Berglöv (s), Flens kommun

Göran Dahlström (s), Katrineholms kommun

Elisabeth Salomonsson (s), Köpings kommun

Anders Ceder (s), Lindesbergs kommun

Maria Strömkvist (s), Ludvika kommun

Bo Zander (s), Nässjö kommun

Paul Åkerlund (s), Trollhättans stad

Bo Frank (m), Växjö kommun

Lena Baastad (s), Örebro kommun

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here