Weerarkii Norway: 1 sano ka dib maxaa is beday?

7

Maanta waa sanadguuradii kowaad ee ka soo wareegtay markii nin cadaan argagixiso ah uu bombaano ku qarxiyay xafiiska raysal wasaaraha Norway, ka dibna intuu doon qaatay 69 qof ku dilay jaziirada Utøya ee ku taala duleedka caasimada Oslo.

Ka dib weerarka arxan darada ah ee lagu xasuuqay dhalinyaro ka tirsaneyd xisbiga talada haya ee Norway oo ay ku jiraan caruur Soomaaliyeed. Ayaa waxaa gacanta lagu soo dhigay Anders Breivik oo cadeystay in sababta uu xasuuqa u geystay ay ahayd naceybka uu u qabo Muslimiinta. Waxa uu sheegay in uu bilowday dagaal lagaga saarayo Muslimiinta ku soo duushay Yurub. Breivik ayaa wali maxkamad saaran, isagoo helay goob uu ku soo bandhigo hadalada macno darada ah ee ku dhisan qiyaaliga. Sida in Muslimiintu ay maamulaan Yurub, in xisbiyada talada haya ay doonayaan in ay wadanka Muslimiin qabsato iwm.

Ka dib weerarkii 22 July 2011 ayaa dunidu waxay ku soo baraarugtay in waxa loogu yeero argagixisada aysan geysan Muslimiinta oo keliya. Waxay ku soo baraarugeen in ay jiraan dad kale oo aysan horay uga filayn in ay qaadi karaan talaabooyin la mid ah kuwii lagu bartay ururka Al-Qaacida. Muslimiinta ayaa waxaa tooshkii laga wareejiyay dhowr isbuuc. Balse wax weyn iskama badalin aragtidii laga qabay Muslimiinta. Naceybka loo hayo iyo fikradaha qaldan ee laga aaminsanyahay Muslimiinta ayaan wax badan isbedalin.

Dhinaca kale xisbiyada cunsuriyiinta Norway ayaa dhulka galay xaga codbixinta. Dhinaca Sweden xisbiga SD ayaa isbuucyadii ka dambeeyay weerarka waxay bilaabeen olole ay isaga dheeraynayaan ficilka ninkaan. Aftida dadweynaha ayaa ka hortimid siyaasadooda balse waxay ahayd isbuucyadii hore oo keliya. SD maanta codbixintooda ama waxay joogtaa tiradii ay baarlamaanka ku soo galeen ama kor ayay u kacday. Waxaa muuqata in bulshada reer Iskaandaneeviya aysan cashar ka qaadan weerarkii Anders Breivik oo ay isku fikradyihiin xisbiyada SD iyo kuwa cunsuryiinta ee ka dhisan wadamada kale ee Yurub.

Ma isleedahay wax isbedal ah ayaa ku yimid aragtida ama siyaasada wadamada aan ku noolnahay weerarkii 22 July ka dib? Waa dood furan…

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here