Stockholm: Dibad bax looga soo horjeedo cunsuriyiinta Islaamka neceb

9

Sidii aan soo daabacay bishii Juun, waxaa magaalada Stockholm ka dhici doona isku imaad ay yeelanayaan cunsuriyiinta Islaamka neceb oo isaga yimid daafaha Yurub iyo Aduunka. Maalinta sabtida ee soo socota (4 Augusti) ayaa cunsuriyiintu isugu soo ururi doonaan magaalada Stockholm si ay u abuuraan waxa ay ugu magacdaren “Global counterjihad network”.

Hadaba ururada kale ee cunsuriyiinta neceb ayaa iyaguna qorsheynaya in ay dhigaan dibad bax looga soo horjeedo cunsuriyiinta oo isaguna ka dhici doona Stockholm 4 Augusti. Dibad baxaan oo loogu magacdaray “STOPPA EDL – Breiviks fotsoldater” oo macnaheedu yahay “Horistaaga EDL – ciidamada Breivik”. EDL waa ururka cunsuriga ah ee ka dhisan ingiriiska. Breivik waa ninkii xasuuqa ka geystay Norway sanadkii hore.

Hadaba waxaa loogu baaqayaa akhristayaasha Somaliska ee ku nool Stockholm iyo agagaarkeeda in ay ka qeyb qaataan dibad baxa looga soo horjeedo cunsuriyiinta, kuwaas oo cadeystay naceybka ay u qabaan Muslimiinta iyo Soomaalida. Ururadaan cunsuriyiinta ah ayaa waxaa casuumay xisbiga SD ee ku jira baarlamaanka Sweden. Anigu waan iska xaadirin doonaa goobta.

Isku soo baxa ayaa ka dhici doona magaalada Stockholm, Adreeska: Norra Bantorget, saacadu markay tahay kl. 13.00. Wixii faahfaahin dheeri ah waxaa ka heli kartaa boggaan http://stoppaedl.org/ ama bogga Facebook: https://www.facebook.com/events/464418976910774/

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here