Safaarada Sweden ee Nairobi oo shaqadii bilowday

1

Safaarada Sweden ay ku leedahay magaalada Nairobi ee caasimada Kenya ayaa si rasmi ah u bilowday hawlihii qabashada dacwada. Soomaali aad u badan ayaa camiray maalmihii ugu dambeeyay dhismaha safaarada kuwaasoo laga qaaday dheecaanka DNA iyo kuwa kale oo xareeyay codsigooda.

Dadka doonaya in ay dacwo ka xareystaan safaarada ayaa inta aysan booqan waxaa laga doonayaa in ay waqti sii qabsadaan. Safaarada ayaa mudo u xirneyd iyadoo ka guurtay dhismihii hore ka dib markii ay soo wajahday cabsi xaga amaanka ah.

Cida doonaysa in ay la xiriirto safaarada ayaa waxay waqti ka qabsan karaa telefoonada hoos ku qoran.

Xiliga balan qabsiga – Isniinta-Qamiista: 09.00-10.00
Xiliga su’aalaha guud –  Isniinta-Qamiista 15.00-16.00
Telefoonka: +254 (0)20 423 4060

Safaaradu waxay ku taalaa

United Nations Crescent, Gigiri,Nairobi

AD

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here