Magaalada Borlänge oo ka qaylisay Soomaalida

18

Magaalada Borlänge ayaa sanadihii ugu dambeeyay waxaa ku soo guuray Soomaali aad u fara badan oo u badan dadka cusub. Kamuunka Borlänge ayaa soo dhaweyn u fidiyay Soomaalida iyadoo hada la filayo in dhowr boqol oo kale ay halkaasi yimaadaan ka dib marka lala mideeyo reerahooda.

Duqa magaalada Borlänge Jan Bohman oo aan horay cabasho uga keenin Soomaalida, ayaa hada afkiisa kala furay oo dowlada ugu baaqay in uusan kamuunkiisa daryeeli karin soo galootiga cusub ee aan waxbarashada lahayn, kuwaasoo uu ku tilmaamay dad kala bar aan wax qorin waxna akhrin (isagoo ula jeeda Soomaalida).

Codsi loo diray dowlada oo ay ku saxiixan yihiin gudoomiyaasha 20 magaalo oo ku yaala Sweden ayaa waxaa afhayeen looga dhigay magaalada Borlänge. Cabashada ayaa ah in lacagta dowladu ay bixiso ee loogu tala galay labada sano ee hore aysan ku filnayn, maadaama dadkaan aysan inta badan waxbarasho lahayn taasoo keeneyso in marka labada sano dhamaato ay ku soo noqdaan sanduuqa cayrta kaasoo kamuunada ay jeebkooda ka bixinayaan. Waxaa kale oo ku jira cabashada in dadkaan ay caruur badan wataan taasoo u baahan in la dhiso xanaanooyinka caruurta.

Duqa magaalada Borlänge ayaa sidoo kale ugu baaqay kamuunada la dariska ah ee gobolka Dalarna in ay soo dhaweeyaan soo galootiga oo guryo siiyaan. Dadka cusub ayaa inta badan doorta magaalada Borlänge halkaasoo ay ku noolyihiin Soomaalida kale.

Iyadoo hada ay bilaabatay imaashaha Soomaalida lala mideynayo qoysaskooda ayaa hadana waxaa soo ifbaxaya sida aysan ula dhacsaneyn kamuunada Sweden arintaas. Kamuunada ayaa dareemay in aysan faa’iido ugu jirin soo dhaweynta Soomaalida oo ay ka cabsi qabaan in ay carabka u dhigtaan sanduuqa cayrta.

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here