Laanta Socdaalka oo Soomaalida caqabad cusub u raadinaysa

48

Iyadoo dowlada Sweden ay horay ugu dhawaaqday in la filayo 20,000 qof oo Soomaali ah in lala mideeyo reerahooda oo ku nool Sweden, ayaa waxaa muuqata in Laanta Socdaalka Sweden ay raadinayso wado ay ku yareyso tirada dadkaas. Hada ayaa waxaa soo bilowday imaashaha dadkii ogolaanshaha la siiyay qaarkood kuwa ugu horeeyay.

Laanta Socdaalka ayaa hada la sheegay in safaaradaha ay ka dalbatay in ay baaraaan da’da dhabta ah ee dadka caruurta lagu keenayo. Taas ayaa macnaheedu yahay in loo baarayo qaab la mid ah kan lagu sameeyo dadka caruurta isaga dhiiba Sweden. Dadkii ugu horeeyay oo safaarada Addis Ababa arintaan ay u dirtay ayaa la sheegay in lagu yiri jawaab waxaad helaysaan dhamaadka sanadka. Arintaas ayaa dhibaato weyn ku noqon karta caruurta ku dhow in ay buuxiyaan 18 sano.

Dowlada Sweden iyo hay’ada Socdaalka ayaa mudo dheer xal u raadinayay qaabkii ay ku joojin lahaayeen qulqulka Soomaalida. Qorshayaal kale duwan oo ay horay u isticmaaleen sida cadeynta aqoonsiga iyo dheecaanka DNA ayaa u muuqda kuwo aysan ku qanacsaneyn, iyadoo talaabadaan cusub ee ay bilaabeen ay ka midtahay qidada la doonayo in lagu yareeyo tirada Soomaalida ee imaan karta Sweden.

Haddii aad ka midtahay dadka loo diray arintaan. Ama aad ogtahay qof laga dalbay cadeynta da’da fadlan soo qor wixii faahfaahin aad hayso. Dhinaca kale, waan jeclahay in aan ka jawaabo su’aalaha akhristayaasha bale maadaama aanan ka shaqeyn Laanta Socdaalka waxaan doorbidayaa in aan ka gaabsado.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here