“Hala mamnuuco gudniinka wiilasha”

11

Haweenay siyaasi ah oo ka tirsan xisbiga talada haya ee Moderaterna ayaa ku baaqday in Sweden laga mamnuuco gudniinka wiilasha yar ee ay sameeyaan Muslimiinta iyo Yuhuuda.

Haweeneydaan oo lagu magacaabo Elisabeth Elgh kana tirsan xisbiga Moderatka magaalada Malmö ayaa sheegtay in gudniinka wiilasha uu u dhigno waxyeeleynta caruurta sidaa darteedna laga mamnuuco Sweden. Waxay sheegtay in wiilasha yaryar loo geysto dhaawac iyo xanuun diin darteed. Waxay intaas ku dartay in la dhaafay xiligii gudniinka oo aduunku hada casri gaaray.

Haweeneyda ayaa waxay tusaale u soo qaadatay go’aan ay gaadhay maxkamad ku taala Germalka oo bishii hore mamnuucday gudniinka wiilasha ka dib markii ay sheegtay in ay ka soo horjeedo xuquuqda caruurta. Sweden ayaa waxaa mamnuuc ka ah gudniinka gabdhaha balse wiilasha waa caadi. oo xitaa dhaqaatiirta qaar ka mid ah ayaa sameeya.

Inkastoo aysan muuqan in Sweden ay mamnuuci doonto gudniinka wiilasha ayaa hadana waxaa jira dad badan oo la wadaaga fikrada haweeneydaan ay ka dhawaajisay. Gudniinka wiilasha ayaa loo arkaa in ay tahay arin ku xiran xoriyada diinta oo Muslimiinta iyo Yuhuuda ay waajibtahay in la gudo wiilasha. Yuhuuda ayaa qaasatan waxay sameeyaan in wiilasha la gudo 8 maalmood gudahooda marka ay dhashaan,  haddii kale Yuhuud noqon mayaan.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here