Dhibaatada Khaatka: Nin Soomaali ah oo xabsi lagu xukumay

12

Nin Soomaali ah ayaa maxkamada ku taala gobolka Värmland waxay ku xukuntahay 1,5 xabsi ah ka dib markii lagu qabtay 338 kiilo oo khaat ah. Ninkaan ayaaa sidoo kale lagu soo oogay dambiyo ay ka midyihiin in uu isku dayay in uu ka baxsado booliska, isagoo baabuurka si qaldan u waday oo wadada dhinaca qaldan kaga socday.

Sheekada ninkaan ayaa dhacday dhamaadkii bishii Maj, iyadoo nin Swedish ah uu ka shakiyay baabuurka ninkaan oo si qaldan u socday. Ninkii ayaa booliska wargaliyay. Isla markii ay boolisku yimaadeen ayuu ninkaan sheelaraha u qabtay baabuurka isagoo 60km la cayrinayay. Markii shidaalka uu ka dhamaaday ayaa gacanta lagu dhigay, isla markii ay boolisku baaritaan ku sameeyeen baabuurkiisa ayay cadaatay sababta uu u cararay.

Ninkaan oo aan magaciisa la shaacin balse da’diisa lagu sheegay 41 ayaa booliska u sheegay in uu lacag aad ugu baahnaa isagoo 10,000kr loo balan qaaday haddii uu Khaatka gaarsiiyo magaalada Oslo. Ninkaan ayaa hada 1,5 bar ku dhamaysan doona xabsi.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here