Dhaqaalaha Sweden oo kor u kacay

10

Dhaqaalaha wadanka Sweden ayaa kor u kacay sida lagu soo bandhigay warbixinta dowlada. Dhaqaalaha wadanka ayaa ka wanaagsanaaday sidii la filayay iyadoo qeybtii 2-aad ee sanadka uu kor u kacay dhaqaalaha 1.4%. Dowlada Sweden ayaa walwal ka qabtay in hoos u dhac ku yimaado Sweden sanadkaan.

Walwalka dowlada ayaa waxaa sabab u ah dhaqaale xumida ka jidha wadamo badan oo Yurub ka tirsan balse Sweden ayaa u muuqata mid aysan saameyn ku yeelan dhibaatooyinka dhaqaale ee ka jira wadamada sida Spain, Greece iyo Italy.

Kor u kaca dhaqaalaha ayaa waxaa sabab looga dhigay in ay siyaaday waxyaabaha ay Sweden u dhoofiso dibada. Si kastaba ha ahaatee, dadka Swedishka ah ayaan sidaa ugu niyad sameyn horumarka dhaqaale ee wadanka, afti ururin la sameeyay ayaa lagu soo bandhigay in Swedishka inta badan ay aaminsanyihiin in dhaqaale xumi la soo darsi doonto.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here