“Cunsuriyada waxaa masuul ka ah soo galootiga”

17

Soo galootiga sida xun u dhaqma ayaa sabab u ah kor u kaca cunsuriyada lagu sameeyo guud ahaan dadka ajaanibta ah? Hadalkaas ma yahay mid aad ku qanci karto? Sidaa waxaa aaminsan haweeney lagu magacaabo Nasrin Mosavi oo ka soo jeeda wadankaasi Iran. Haweeneydaan ayaa ah mid ka dhalatay reer Muslim ah balse ka baxday diinta, inta badana ka hadasha waxyaabaha lidiga ku ah Muslimiinta iyo soo galootiga.

Mowduuc ay qortay ayay ku sheegtay in Sweden ay tahay wadan ay ku ciyaareen soo galootiga iyo warbaahinta Sweden oo aan runta ka sheegin waxyaabaha xun ee ay soo galootigu wadanka ka sameeyaan. Waxay tusaale u soo qaadatay kufsiga oo ay sheegtay in Sweden ay ka midtahay wadamada ugu kufsiga badan caalamka balse aan la shaacin cida geysata. Waxay la barbar dhigtay Denmark oo la sheegay in dadka kufsiga geysta inta badan ay yihiin kuwo ka soo jeeda Afrika, iyo Norway oo la sheegay in kufsiga inta badan ay geystaan soo galootiga.

Arintaas ayay ku tilmaantay mid Sweden ay indhaha ka daboolatay qaasatan siyaasiyiinta iyo warbaahinta. Waxay sheegtay in dhibaatada ay geystaan soo galootiga qaarkood ay dib ugu soo noqoneyso dadka caadiga ah ee Swedishka ah iyo soo galootiga sida wanaagsan u dhaqma.

Inkastoo ay saxtahay in tiro yar oo soo galootiga ka mid ah ay ku ciyaareen magaca soo galootiga Sweden. Ayaa hadana hadalka haweeneydaan waxa uu u muuqdaa mid ay magac kaga raadineyso Swedishka. Dadka sidaan oo kale u hadla ayaa inta badan waxay yihiin kuwa neceb soo galootiga. Waa dadka sameeya waxkasta si ay magac uga helaan wadankaan. Siyaasiyiinta Swedishku iyo warbaahintu waa la socdaan waxyaabaha qaladka ah ee ay sameeyaan qaar ka mid ah soo galootigu balse sababta aan loo buunbuunin waa in laga hortago in ay borobogaando u noqoto cunsuriyiinta SD iyo kuwa la mid ah. Haweeneydaan waxay u muuqataa mid aan fahmin arintaas.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here