Muslimiinta Sweden oo weeraro lagu haayo

3

Masaajida iyo goobaha ay isugu yimaadaan Muslimiinta Sweden ayaa la sheegay in lagu haayo weeraro kala duwan sida lagu soo bandhigay cilmi baaris ay sameeyeen arday ka tirsan jaamacada Mittuniversitet.

Cilmi baarista ayaa lagu soo bandhigay in qiyaastii 40% ka mid ah masaajida iyo goobaha ay leeyihiin Muslimiinta loo geystay weeraro isugu jira dab qabadsiin, handadaad iyo qarbudaad. Weeraradaan oo aan loo saarin cid gooni ah ayaa warbixinta lagu sheegay in ay yihiin kuwo inta badan isku qaab u dhaca.

Waxyaabaha dhaliya in ay weeraradu siyaadaan ayaa la sheegay in ay saameyn ku yeelato dhacdooyinka caalamka ka dhaca sida weerarada argagixisada iyo dhacdooyinka gudaha sida marka masaajid cusub goob laga dhisayo. Marar badan ayay dhacday in mudaharaad laga sameeyay masaajida cusub, sidii ka dhacday magaalada Göteborg oo labo mudaharaad oo waaweyn oo midna looga soo horjeedo midna lagu taageerayo masaajidka cusub ee magaalada ay halkaasi ka dheceen sanadkii hore.

Si kastaba ha ahaatee, cilmi baarista ayaa lagu soo gabagabeeyay in weerarada ka dhanka ah Muslimiinta ay yihiin kuwo ka dhaca guud ahaan Yurub. Muslimiinta Sweden ayaa la sheegay in ay ku suganyihiin xaalad ka fiican dhigooda ku nool wadamada Yurub.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here