Sweden oo adkaysay sharci bixinta

19

Laanta Socdaalka Sweden ayaa adkeysay bixinta sharciga, qaasatan dadka isdhiibay ee horey diidmada loo siiyay. Warbixin ay soo qortay idaacada Sweden (SR) ayaa lagu sheegay in dadka halka diidmo horey loo siiyay ay hada ku adkaatay in sharciga la siiyo ka dib marka ay racfaan xareystaan.

Arintaan ayaa ka dambeysay ka dib markii Maxkamada Socdaalka ay dhamaadkii sanadkii 2009 soo saartay sharci faraya dadka magangalyo doonka ah in ay la shaqeeyaan Laanta Socdaalka. Maxkamada ayaa diiday in sharciga la siiyo dadka dhuumaalaysiga ku jooga Sweden.

Go’aankaas ayaa ka dambeeyay in Laanta Socdaalku ay dadka diidmada la siiyay ku adkeyso sharciga. Ka hor go’aanka ayaa inta badan dadka hal mar diidmo la siiyay, marka labaad sharciga la siin jiray. ilaa 85% dadka diidmada qaba ayaa sharciga helay sanadkii 2009 ka hor balse tiradaas ayaa hada hoos ugu dhacday 60%. Sanadkasta ayaa Laanta Socdaalku waxay diidmo siisaa dad gaaraya 20,000 qof. Iyadoo in ka badan 15,000 ay dib ugu laabtaan wadankooda. ilaa 500 qof ayaa dib u xareysta racfaan.

Qaar ka mid ah dadka diidmada la siiyay ee dhuumaalaysiga galay, ayaa ka rajo qabay in markii ay wadanak mudo ku noolaadaan in sharciga la siin doono balse arintaas ayaan waxba tareyn haddii uusan qofku caruur ku lahayn Sweden. Dadka caruurtu u joogta ayaa ka fursad fiican kuwa kale.

Tusaale ahaan Laanta Socdaalka ayaa bilihii u dambeeyay waxay sharciga siisay Soomaali ka timid Talyaaniga oo horay diidmo loo siiyay. Inta badan dadkaan sharciga la siiyay ayaa waxaa loo tixgaliyay in caruur iyo xaas ay u joogaan Sweden.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here