Wiil Soomaali ah oo dahab ka xaday qoyska boqortooyada Sweden

47

Sida uu qoray wargeyska Aftonbladet wiil Soomaali ah oo da’diisa lagu sheegay 19 sano jir ayaa qirtay in uu dahab iyo dheeman ka xaday qoyska boqortooyada Sweden qaasatan boqorka walaashiis.

Wiilkaan oo lagu magacaabo Abdi Abdulqadir oo da’diisa lagu sheegay 19-sano jir ayaa waxaa uu saaxiib la ahaa ninka qaba boqorka walaashiis Princess Christina oo lagu magacaabo Tord Magnusson. Ninkaan iyo wiilka Soomaaliga ah ayaa waxay ku kulmeen xaafada Tensta, isagoo la sheegay in uu wadanka soo galay sanadkii 2009. Sababta ay u kulmeen ayaa ahayd in ninka lagu magacaabo Tord Magnusson uu yahay nin jecel in uu ka qeyb qaato arimaha isdhexgalka, isagoo la saaxiibay wiilkaan Soomaaliga ah.  Tod ayaa xitaa shaqo u soo dhameeyay wiilkaan Soomaaliga ah.

Wiilkaan ayaa la sheegay in uu mararka qaar seexan jiray guriga boqorada iyo ninkeeda iyagoo xitaa mararka qaar isku raaci jiray goobaha lagu tunto iyo damaashaadyo kale. Wiilka ayaa la sheegay in uu xaday dahab qiimihiisa lagu qiyaasay 855 000 karoon. Wiilka ayaa markii hore ka biyo diiday in uu dahabka xaday balse markii dambe qirtay isla markaana isku dhiibay booliska ka dib markii uu Tod Magnusson sidaas kula taliyay. Boqorada ayaa aad uga carootay arintaan maadama ay wiilkaan u haysteen in uu yahay caruur oo uusan ficil sidaan oo kale ah ku kici doonin. waxay sheegtay in aysan cafin doonin.

Wiilkaan iyo Tod Magnusson ayaan laftaydu la kulmay bishii Augusti ee sanadkii 2011 iyaga oo ka qeyb galayay shir ay qabteen Swedbank magaalada Stockholm. Aniga iyo isaga oo afka jug isku siinay, ayuu iila muuqday nin firfircoon balse wax u qarsoon yihiin.  Waa arin la yaab leh. Runtiina magac xumo u soo jiidaysa bulshada Soomaalida oo dad badan hada naga amaan baxayaan. Bal fikradihiina ku darsada.

Svenska: http://www.aftonbladet.se/nyheter/article14982256.ab

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here