Tuulo cunsuri ah oo magacii laga badalay

27

Tuulo ku taala koonfurta Sweden ayaa la go’aamiyay in magaca laga badalo ka dib markii ay soo baxday in magaca tuuladaas uu yahay mid cunsuri ah. Tuuladaan oo  hada loo bixiyay Österbo ayaa xiligii hore waxaa lagu magacaabi jiray “Negerby” oo la macno ah “tuulada neegerka” iyado magacaas loo bixiyay 40 sano ka hor.

Erayga “neger” ayaa ah aflagaado lagula kaco dadka madoowga ah oo aniga laftayda dhowr jeer laygu yiri magacaas. Maamulka Tuulada ayaa go’aansaday in magaca ay iska badalaan maadaama uu magacaas wax u dhimi karo dareenka dadka.

Ereyga Neger ayaa ah mid ay dadka madoow qaarkood isugu yeeraan balse ay ka caroodaan haddii qof cadaan ah ugu yeero. Waligaa maluugu yeeray “neger”? Maxaase dareentay haddii sidaa laguugu yeeray? Horta waa maxay neger aratidaada?

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here