Tirada dadka qaadanaya dhalashada Sweden oo siyaaday

17

Maalinta Qaranka Sweden oo ku beegnayd shalay 6-da June ayaa ah maalin ka sagoow dabaaldegga calanka sidoo kale lagu soo dhaweeyo muwaadiniinta cusub ee dhalashada qaatay.

Laanta Socdaalka Sweden ayaa warbixin ay soo daabacday ku soo bandhigtay tirada dadka dhalashada qaatay sanadkii hore iyo kuwa la filayo sanadkaan. Ilaa iyo maalintii qaranka ee sanadkii 2011 ayaa waxaa dhalashada Sweden la siiyay 29 920 oo qof. Dadkaas ayaa inta ugu badan waxay ka soo jeedaan wadamada Iraq, Poland, Serbia, Thailand iyo Turkey.

Sanadkaan 2012 ayaa la filayaa in ay dhalashada dalbadaan dad gaaraya  38 500 oo qof, halka sanadka soo socda ee 2013 ay  tiradaas dhaafi doonto 40 000 oo qof. ilaa sanadkii 2005 ayaa Laanta Socdaalka Sweden waxay dhalashada siisay 175 211 oo qof. Waxaa muuqata in tirada dadka qaadanaya dhalashada ay saa’id u kordheyso.

Soomaalida ayaa u muuqda kuwa ugu yar ee qaadanaya dhalashada Sweden. Guud ahaan Soomaalida ku nool Sweden ayaa la aaminsanyahay in ay baasaboorka leeyihiin qiyaastii 10 000 oo qof.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here