Maxaa ku dhacay ganacsiga Soomaalida Sweden?

13

Isbuucii la soo dhaafay waxaan ka qeyb galay shir ka dhacay Stockholm oo looga hadlaayay ganacsiga soo galootiga. Waxaa lagu marti qaaday dad fara badan oo u badan soo galooti wadanka ganacsi ka abuuray.

Shirkaan oo ay qabteen hay’ada dowliga ah ee Tillväxtverket iyo ururka IFS ayaa waxaa aad uga dhex muuqday carabta iyo dadka ka soo jeeda bariga Yurub. Arinta i cajiib galisay ayaa ahayd in galinkii hore oo dhan aanan  ku arag hal qof oo Soomaali ah, iskaba dhaaf Soomaali xitaa qof madoow aniga ayaa ka joogay meesha. Galankii dambe ayaan ku arkay hal nin oo Soomaali ah. Waxaan is waydiiyay xagee ka bexeen ganacsatadii Soomaalida ee Sweden?

Su’aashaas jawaabteeda ayaa u baahan in dhowr dhinac laga eego balse waxay arintu isugu soo biyo shubanaysaa in aan nahay dad wadanka ka jiifa oo aan arimaha ganacsiga sidaa ugu firfircoonayn. Inkastoo la ogyahay in Soomaalida xariif ku yihiin ganacsiga ayaa hadana waxaa muuqata in Sweden kuwa nool aysan wadadaas fahmin ama ay raaceen wado kale oo la yiraahdo “ceyr qaadasho”. Way jiraan shaqsiyaad ganacsi ku leh Sweden balse iyaga laftoodu waa kuwo ganacsigoodu uu xadidan yahay oo inta badan ka dhex shaqeysta Soomaalida iyo ajaanibta dhexdooda.

Dhinaca kale, Soo galootiga ka soo jeeda wadamada carabta iyo bariga Yurub ayaa fahmay in shaqo laga helo Sweden ay ka fududahay in ganacsi laga abuurto. Qofka soo galootiga ah waxaa lagu cunsuriyeeyaa midabkiisa, lahjadiisa iyo diintiisa markuu shaqo raadsado balse haddii aad ganacsi abuurato shuruudahaas waad dhaafaysaa. Waxay aad ugu firfircoonyihiin xiriirka iyo in ay xulufo la sameeyaan qeybaha kale ee soo galootiga iyo Swedishka. Anagu haddii aan nahay Soomaali inaga dhexdeena ayaa isku mashquulsan oo kala dhamaan la’a.

Anigu waxaan ka mid ahay dadka ganacsiga ka abuuray wadankaan, aaminsana in lala ganacsado Swedishka oo aan lagu mashquulin Soomaalida oo keliya. Waxaan aaminsanahay in Soomaalidu ay yihiin dad ganacsiga yaqaana balse ay ka maqantahay is aaminidaadii ay wax wada qabsan lahaayeen iyo sidoo kale in ay fikirkooda ku koobaan suuqa Soomaalida oo keliya. Haddii aad ku fikirayso in aad ganacsi ka abuurato Sweden waa in aad abuurtaa mid ay bulshada guud ahaan macaamiil kuu noqon karaan. Waa in aad xiriir iyo xulufo la sameysaa qeybaha kale ee bulshada, waa in aad ka qeyb gashaa bandhigyada iyo shirarka looga hadlayo arimaha ganacsiga waayo waxaad ka heleysaa kontakt muhiim ah.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here