“Luuqada shuruud ha looga dhigo qaadashada baasaboorka”

68

Xisbiga ka tirsan xulufada dowlada Sweden ee lagu magacaabo Folkpartiet ayaa soo bandhigay qorshe wax looga badalayo nidaamka isdhexgalka wadanka oo ay ugu muhiimsantahay in barashada luuqada Swedishka shuruud looga dhigo qaadashada baasaboorka weyn.

Xisbiga Folkpartiet ayaa soo bandhigay 7 qodob oo inta badan aan cusbayn sida in Sweden ay ahaato wadanka furfuran oo qaxootiga soo dhaweeya, in dadka cayrta qaata shuruud looga dhigo in ay hawl qabtaan, in lacagta laga yareeyo qofka diida shaqo, in la siyaadiyo baraatiiga, in wax laga badalo lacagta waalidka ee loo yaqaan föräldrapenningen, in taageero dheeri ah la siiyo haweenka soo galootiga ah iyo in xooga la saaro luuqada oo qofka dhalashada Sweden qaadanaya shuruud looga dhigo luuqada.

Inkastoo qodobada intooda badan ay yihiin kuwo hadaba jira oo kamuunada badankoodu ay sameeyaan ayaa hadana waxaa soo jiidasho leh qodobka ku saabsan in luuqada Swedisha shuruud looga dhigo baasaboorka. Arintaan ayaa la dhihi karaa waxay caqabad ku noqoneysaa dad badan oo qaasatan ay Soomaalidu ka midyihiin. Qodobadaan ayaa ah kuwo soo jeedin ah balse ma ahan sharci dhaqan galay, waxaase macquul ah in xiliga dayrta oo la filayo in dowladu ay isbedal ku sameyso arimaha isdhexgalka lagu soo daro qaar ka mid ah qodobadaan.

In qofka qaadanaya dhalashada Sweden shuruud  looga dhigo in uu barto luuqada ayaan u arkaa fikrad fiican. Ma ahan wax la aqbali karo in qof wadanka 8 sano joogay uusan baran luuqada ama in qof wadanka baasaboorkiisa haysta uusan ku hadli karin luuqada wadankiisa. SIDEE U ARAGTAAN ARINTAAN BAL FIKRADIHIINA KU DARSADA?

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here