Lacagtii dadka cusub oo meel la saaray

22

Sidii aan ku soo qoray mowduuc aan soo daabacay bishii hore oo ciwaankiisa ahaa “yaa lacag siinaya dadka cusub?” ayaa waxaa dood ka taagneyd cida bixinaysa qarashka ku baxaya Soomaalida cusub ee hada loo ogolaaday in Sweden ay yimaadaaan. Dowlada ayaa u muuqata mid u dabacday codsiyadii kamuunada iyadoo hada ay soo saartay go’aan sharciga wax looga badalayo.

Go’aanka dowlada oo la filayo in lagu soo daro miisaaniyada dowlada ee la soo bandhigayo xiliga dayrta ayaa xaq u siinaya Soomaalida cusub ee reerahooda lala mideynayo in ay la mid noqdaan dadka kale ee cusub ee hada sharciga qaatay. Dadkaan ayaa dowladu waxay lacag ku siin doontaa kamuunada in ay dabaraan qarashka soo dhaweyntooda iyo waxbarashadooda iyadoo sidoo kale dadkaan xaq u heli doonaan in ay ka qeyb qaataan hawlaha xafiiska shaqada iyo taageerada ay helaan dadka cusub ee kale.

Arintaan ayaa waxaa si weyn u soo dhaweeyay kamuunada Sweden oo qaar badan sida Katrineholm ay horey dood weyn uga keeneen sida dowladu wax u rabtay. Dowlada ayaa horey u doonaysay in kamuunadu ay bixiyaan qarashka ku baxaya dadka cusub ee ku soo dega magaaladooda. Kamuunada ayaa ka biyo diiday in lacagta canshuurta ee ay bixiyaan shacabkooda lagu quudiyo Soomaalida cusub.

Dadka cusub ayaa waxay fursad u heli doonaan in ay ka mid noqdaan xafiiska shaqada oo ka caawin doona sidii ay shaqo u heli lahaayeen, isla markaana u qaban doono shirkadaha hogaanka u noqonaya ee ka caawinaya waxyaabaha aasaasiga ah ee la xiriira nolosha wadanka.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here