Go’aamada maxkamadaha Socdaalka oo la dhaliilay

30

Go’aamada ay gaaraan Maxkamadaha Socdaalka ee Sweden (Migrationsöverdomstolar) ayaa lagu dhaliilay in aysan xalin dhibaatada dhabta ah ee haysata qoysaska Soomaalida. Haweeney lagu magacaabo Anki Carlsson oo ka tirsan Laan Qayrta Cas ayaa idaacada Sweden uga warantay dhibaatada Soomaalida iyo qaabka ay maxkamaduhu go’aanka u gaaraan.

Anki ayaa sheegtay in go’aamada maxkamadaha aysan ahayn kuwo taabanaya dhibaatooyinka dhabta ah ee jira, waxay intaas ku dartay in loo baahanyahay in la balaariyo cida ogolaanshaha la siinayo oo si qaas ah loo eego arinta Soomaalida oo ay sheegtay in ay ka duwanyihiin dadka kale. Waxay sheegtay in aysan cadeyn qaabka ay u shaqeeyaan maxkamadaha iyo sababta ay go’aamada u gaaraan.

Go’aankii maxkamada sare ee soo baxay bilowgii sanadkaan ayay sheegtay in uusan si dhab ah u quseyn dhibaatada Soomaalida, inkastoo dadka qaar ogolaansho la siiyay hadana dhibaatada intii badneyn ay taagantahay. Wasiirka Socdaalka ayay qaasatan ku dhaliishay in uu yahay nin iska indha tiraya xaalada jirta oo aaminsan in hawshii soo dhamaatay.

Wasiirka ayaa dhinaciisa mar wax laga waydiiyay eedeynta loo soo jeediyay dhinac isaga tuuray isagoo sheegay in uu kalsooni ku qabo qaabka ay wax u socdaan. Arimaha ay ka dhawaajisay Anki Carlsson ayaa ah kuwo jira iyadoo marka laga reebo qaar ka mid ah qoysaska caruurta leh, inta badan Soomaalida aysan fursad u heli doonin in lala mideeyo qoysaskooda. Waxaase ka sii daran in aysan jirin cid hada u doodeysa arimahooda iyadoo siyaasiyiinta iyo dadkii firfircoonaa ee arintaan horay ula socday ay hada ka seexdeen.

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here