Degmooyinka Sweden ugu nolosha fiican iyo kuwa ugu liita

16

Cilmi baaris uu sanadkasta sameeyo wargeyska Fokus ayaa lagu soo bandhigay degmooyinka ugu nolosha fiican Sweden iyo kuwa ugu nolosha liita.

Tuulada yar ee lagu magacaabo Habo ee dhacda gobolka SmÃ¥land ayaa sanadkaan gashay kaalinta 1-aad ee magaalooyinka ugu nolosha fiican Sweden. Habo ayaa sidoo kale sanadkii 2010  gashay kaalinta 1-aad. Magaalada yar ee Habo ayaa waxaa ku nool dad gaaraya 7000 qof iyadoo ay inta badan heer sare ka gashay baaritaanadii la sameeyay oo taabanaya Shaqo La’aanta, qiimaha nolosha, amaanka, guryaha iwm.

Kaalinta 2-aad ayaa waxaa galay degmada Knivsta ee ku dhow Stockholm. 3-aad waxaa galay magaalada Lund iyadoo ay raacday Gnosjö oo iyaduna ka tirsan Småland. Sanadkii hore waxaa kaalinta 1-aad galay degmada Lomma ee ku taala koonfurta Sweden balse sanadkaan ayay gashay 7-aad.

Degmooyinka ugu nolosha liita ayaa waxaa kaalinta 1-aad ka galay Haparanda oo ku taala waqooyiga Sweden xuduuda Finland. Iyadoo ay sidoo kale magaalooyinka ugu nolosha xun ku jiraan Södertälje iyo Malmö.

Liiska oo dhameystiran waxaad ka eegi kartaa bogga Fokus. Riix halkaan 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here