Dabeecada Soomaalida iyo gaadiidka dadweynaha

64

Dhowr maalmood ka hor waxaa fariin ii soo diray midka mid ah wadayaasha basaska ka dhex shaqeeya magaalooyinka Sweden kaasoo cabasho ka muujinaya dabeecada Soomaalida marka ay raacaan gaadiidka dadweynaha.

Wadahaan oo magaciisa ku soo koobay Abdirisak ayaa ka dhaawajiyay 3-arimood oo ay aad u dhibsanayaan dad kale ee gaadiidka dadweynaha isticmaala  balse dabeecad u ah Soomaalida. Abdirsak ayaa doonaya in Soomaalidu ay arintaan iska dhaafaan oo ay xushmeeyaan rakaabka kale. Hadaba maxay yihiin arimahaan uu ka dhawaajiyay Abdirsak…

1. Moobeelka: oo lagu  dhex hadlo  baska ama tareenka  dhexdiisa  oo  waliba  lagu qaylinayo siiba  gabdhaha  oo dhegta  telefoonka  galiya. Soomaalida ayaa la dhihi karaa waa dad aan telefoonka dhigin. U fiirso adiguba marka baska iyo tareenka la raacayo. Isla marka la fadhiisto ayaa qof walba waxa uu la soo baxayaa moobeel. Waxaa talo ah in halkii aad qofka wici lahayd aad SMS u dirto.

2. Barafuunka oo layska soo buuxiyo. Waxaa jira dad ku xanuunsada urka barafuunka, sidaa darteed ma wanaagsana in aad barfuumka iska soo buuxiso marka aad gaadiidka dadweynaha raacayso. Qaasatan gabdhaha Soomaalida ayaa isticmaala barfuum aad u adag oo urkiisa baska oo dhan laga dhex dareemayo.

3. Xanjada oo si xun loo calaliyo. Abdirsak ayaa waxa uu leeyahay Soomaalidu ma yaqaanaan sida xanjada loo calaliyo. Marka aad xanjada calalinayso waxaa la doonayaa in aad hoos u dhigato oo aysan ku dareemin dadka kale. Waxaad arkaysaa gabadh xanjada marna afkeeda ku buufinaysa marna qarxinaysa. Dabeecadaas Soomaaliya caadi ayay ka ahayd balse halkaan ma wanaagsana…

Hadaba waxaan leenahay Soomaaliyeey halagu baraarugo daceedahaan oo ay dhib sanayaan qeybaha kale ee bulshada. Wixii anaga caado noo ah ayaa laga yaabaa in ay dhibaato ku tahay dadka kale. Waxaa la doonayaa in qofku uu yahay mid feejigan oo inta uusan ficil sameyn ka hor samaynaya qiimeyn.

FIKRADIHIINA KU DARSADA…

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here