“Caruurta oo la soo hormariyo si ay reerka ugu dacwoodaan”

15

Magan galyo doonka loo yaqaan caruurta aan la wehlin ayaa waxaa la aaminsanyahay in ay wadanka isaga dhiibaan si ay ugu dacwoodaan reerkooda.

Qaar badan oo ka mid ah siyaasiyiinta iyo shacabka Sweden ayaa aaminsan in dadka isku dhiiba 18 sano ka yar ay waalidkood u soo direen si ay isaga dhiibaan Sweden oo ay waalidka ugu dacwoodaan markii la qaabilo. Laanta  Socdaalka ayaa fariin ay bogooda ku soo qoreen ku sheegtay in caruurta iyo dadka waaweyn aysan u kala saarin marka la baarayo kiiskooda.

Hadaba baaritaan lagu sameeyay in caruurta la soo hormariyo ay waalidkood u dacwoodaan ayaa lagu soo bandhigay in ilaa sanadkii 2007-2010 ay Sweden sharci siisay 4200 caruur aan la wehlin ah. Caruurtaas sharciga la siiyay ayaa waxaa reerkooda u dacwooday 10% oo keliya iyaga oo keenay dad gaaraya 1130 reerkooda ah. Maadaama Sweden ay joojisay mideynta reeraha Soomaalida xiligaas ayaa laga yaabaa in ay sabab u tahay tirada hooseysa.

Degmooyinka Sweden ayaa markii laga dalbado in ay qaataan caruurta sharciga la siiyay ayaa qodobka ugu muhiimsan ee ay ku doodaan uu yahay in ay caruurtaan yihiin kuwo loo soo diray in ay waalidkood Sweden soo galiyaan. Laanta Socdaalka ayaa ku doodaysa dhinaceeda in aysan arintu sidaa ahayn ee tiro yar ay reerkooda u dacwoodaan.

Dadka ugu badan ee Sweden  isaga dhiibay caruurta sanadihii dambe ayaa waxay ahaayeen Afghanistan oo ay soo raacaan Soomaalida. Waxaan wada ognahay in Soomaalidu aaminsanyihiin in ay fududahay in sharciga lagu qaato caruurnimada ama in reerka lagu keeno balse arintaas ayaan midna sax ahayn. Waa isku mid arintu haddii ay tahay waalid halkaan jooga oo caruurtiisa u dacwoonaya ama caruur halkaan joogta oo waalidkood u dacwoonaya.

Afghanistaanta ayaa la ogyahay in ay soo diraan caruur aad u da’a yar si ay waalidkood u keenaan. Arintaas ayaa waxaa toos iigu sheegay mid ka mid ah gacanyaraasha xafiiska Shaqada oo qaabilsan soo dhaweynta dadka cusub.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here