Aisha oo Sweden ku soo laabatay

18

Labo bilood ka hor waxaan soo daabacnay mowduuc ku saabsan hooyo Swedish ah oo lagu magacaabo Connie Mauritzon kuna nool Stockholm oo sheegtay in aabe Soomaali ah uu gabadheeda u kaxaystay Somaliland.

Hooyadaas ayaa arinteedu waxay gaadhay guud ahaan warbaahinta Sweden iyo xitaa xafiisyada dowlada balse kuma ay guuleysan in ay wax ka qabtaan arinteeda. Waxay kale oo abuurtay bogg Facebook ah oo ay dad badan xubin ka noqdeen. Ka dibna waxaa u suurto gashay in ay xiriir la samayso nin ku nool Hargeisa oo wada hadal la furay  aabaha Aisha. Sida ay sheegtay Connie, aabaha ayaa shuruud ka dhigay in ay dacwada la laabato haddii ay doonayso in uu Aisha soo celiyo. Ka dibna waxay sheegtay in guud ahaan wixii dambi iyo dacwo ahaa ee aabaha ay ka sameysay ay dib ula laabatay.

Aisha iyo aabaheed ayaa si wada jir ah u yimid Sweden isbuucii la soo dhaafay. Inkastoo aysan noo suurto galin in aan xiriir la sameyno aabaha ayaa arintu laga yaabaa in aysan guud ahaan ahayn sida hooyadu u sharaxday. Anigu qaasatan waxaanan wali fahmin sababta aabaha uu gabadha yar ula baxsaday iyo sababta uu u go’aansaday in uu Sweden ku soo laabto isagoo og in dambi ka yaalo halkaan isla markaana shaqadiisii ka tagay.

Si kastaba ha ahaatee, dib ayaan ka heli doonaa sheekada gunteeda. Daawo muuqaalka.

 

TV4Nyheterna%20Stockholm%2007:33

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here