Taariikhda Zlatan Ibrahimović

11

Iyadoo caaway ay wada ciyaarayaan xulalka qaranka Sweden iyo England ayaa waxaa rajo weyn laga qabaa ciyaaryahanka caanka ah ee Zlatan Ibrahimović kaasoo ah ninka keliya ee ay ka cabsanayaan difaaca England. Hadaba maxaad ka taqaanaa taariikhda Zlatan?

Zlatan waxa uu Sweden ku dhashay sanadkii 1981 isagoo ku soo barbaaray xaafada ay soo galootigu u badanyihiin ee lagu magacaabo Rosengård ee magaalada Malmö. Zlatan ayaa waxaa iska dhalay aabe ka soo jeeda wadanka Bosnia oo Sweden soo galay sanadkii 1977 iyo hooyadiis oo ka soo jeeda wadanka Koroweeshiya. Zlatan ayaa bilaabay ciyaarta kubada cagta isaga oo aad u da’yar waxa uu ku biiray kooxda Malmö FF isagoo da’diisa tahay 15 sano halkaasoo uu ku soo caanbaxay.

Zlatan ayaa waxa uu ka midyahay ciyaartoyda caalamka ugu qaalisan isla markaana ugu mushaarka badan. Waxa uu ka dibna Malmö FF u ciyaaray kooxda Ajax ee wadanka Holland kaasoo ay u xigtay kooxda Juventus ee Talyaaniga. Waxa uu mudo badan ka ciyaaray wadanka Talyaaniga isaga oo u soo ciyaaray kooxaha Inter iyo AC Milan oo uu hada u ciyaaro. Sanadkii 2009 ayaa kooxda Barcelona waxay ku iibsatay lacag gaareysa 69 milyan oo Euro balse wax badan uma uusan ciyaarin, iyadoo aysan si fiican isku fahmin isaga iyo qaab ciyaareedka kooxda caanka ah ee Barcelona. waxa uu mudo gaaban ka dib ku laabtay kooxda AC Milan.

Ibrahimović ayaa ah kabtanka xulka Qaranka Sweden balse waxaa lagu eedeeyaa in uusan si hufan ugu ciyaarin xulka inkastoo uu yahay ciyaartoyga ugu muhiimsan ee ay leedahay Sweden. Shacabka Sweden ayaa waxa ay saaraan culeys badan iyaga oo ka filaya in uu koolal badan dhaliyo. Zlatan ayaa lagu eedeeyaa in uu yahay ciyaartoy isla weyn oo u ciyaara si aan firfircooneyn isla markaana aan wadashaqeyn wacan la sameyn xubnaha kale ee kooxda.

Zlatan ayaa sheegta in uu yahay Kiristaanka nuuca katoliga. Waxa uu saaxiib la yahay haweenayda lagu magacaabo Helena Seger oo ahayd aktarad, iyagoo labo caruur ah wadaaga. Zlatan Ibrahimović ayaa waxa uu ka midyahay wajiyada ugu muhiimsan ee soo galootiga Sweden, isla markaana ah mid saameyn weyn iyo magac ku leh wadanka.

Inkastoo uu taariikh weyn iyo magac ku leeyahay ciyaaraha caalamka ayaa la wada dhowrayaa in uu magaciisa iyo xirfada ciyaartiisa uu guul ugu soo hooyo Sweden oo hada ugu hooseysa dhibcaha kooxaha ay isku guruubka yihiin.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here