Safaarada Sweden ee Nairobi goorma ayaa la furayaa?

17

Safaarada Sweden ku leedahay magaalada Nairobi ee caasimada Kenya ayaa xirnayd ilaa sanadkii hore iyadoo aysan wali shaacin taariikhda dhabta ah ee la furayo.

Afhayeenka wasaarada arimaha dibeda Sweden Anders Jörle oo wareysi siiyay telefishinka SVT ayaa sheegay in safaarada loo xiray qatar amaanka ah oo sanadkii hore soo gaadhay. Safaarada ayaa la go’aamiyay in loo raro goob ka amaan badan midii hore. Mar la waydiiyay xiliga ay shaqada safaaradu dib u furmeyso ayuu sheegay in ay furmi doonto bisha soo socota ee July balse ma cadeyn maalinta.

Waxaa kale oo uu cadeeyay in ay safaarada haysato lacag la’aan oo sidaas darteed ay dhibaato noqon karto in ay qaabilaan kiisas badan oo dacwo ah. Safaarada ayaa u baahan doonta 47 milyan oo karoon oo wax looga qabanayo arimaha mideynta qoysaska. Mar wax laga waydiiyay dadka caruurta leh ee hada ku sugan Nairobi waxa ay sameynayaan? ayuu sheegay in labo mid ay sameeyaan, in ay sugaan ama in ay dacwada ka xareystaan safaaradaha kale ee Sweden sida Addis Ababa ama Kampala.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here