Tirada magangalyo doonka oo la filayo in ay siyaado iyo Soomaalida oo sabab u ah

18

Laanta Socdaalka ayaa kor u qaaday qiyaasta tirada magangalyo doonka la filayo in ay Sweden iska dhiibaan sanadka 2012, iyadoo sabab looga dhigay Soomaalida.

Bilowgii sanadka ayaa Laanta Socdaalka waxay qiyaastay in sanadkaan ay Sweden iska dhiibi doonaan 31,000 oo qof balse tiradaas ayaa hada laga dhigay 34,000. Laanta Socdaalka ayaa sheegtay in ay sabab u tahay xaalada amaanka ee wadamada Afghanistan, Syria iyo Soomaaliya balse qaasatan waxaa sabab u ah maadaama la fududeeyay mideynta reeraha Soomaalida taasoo la filayo  in ay dhaliso Soomaali badan oo iskood isku dhiibta.

Dhinaca kale Laanta Socdaalka ayaa ku celisay in la fududeeyay mideynta reeraha Soomaalida oo sanadkaan ay filayaan in safaaradaha Sweden ay dacwo ka xareystaan dad gaaraya 20,000 oo qof. Codsiyada ugu badan ayaa la filayaa dhamaadka sanadka.

Laanta Socdaalka ayaa kamuunada ugu baaqday in ay isku diyaariyaan dad badan oo la filayo in ay Sweden dacwo ku soo galaan iyo kuwo magangalyo la siin doono. Waxay Laanta Socdaalku sheegtay in 65 milyan oo karoon oo dheeri ah ay sanadkaan u baahan doonaan.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here