Swedishka oo ka barakacay xaafadaha soo galootiga

11

Cilmi baaris ay sameeyeen quburo ka tirsan Jaamacada Uppsala ayaa lagu soo bandhigay in dadka dhaladka Swedishka ah aysan jeclayn in ay degaan xaafadaha soo galootiga.

Cilmi baarista oo uu sameeyay Machadka Cilmi baarista guryaha iyo magaalooyinka (Institutet för bostads- och urbanforskning (IBF) ayaa lagu sheegay in xaafadaha ay soo galootigu ku bataan in Swedishku ay bilaabaan in ay isaga guuraan, isla markaana ay ka dheeraadaan xaafadaha ay soo galootigu ku badanyihiin.

Arintaan ayaa dhalisa kala qeyb sanaan bulshada ah taasoo keenta in xaafadaha soo galootigu ay ku yaraadaan shaqooyinka, adeegyada bulshada iyo xitaa waxbarashada. Caruurta ayaa iskuulada ku liidata xaafadaha soo galootiga sida lagu sheegay warbixinta.

Iyadoo soo galootiga lagu eedeeyo in ay bulshada iska soocaan ayaa cilmi baaristaan laga dheehan karaa in Swedishku ay masuul ka yihiin abuurida xaafadaha dhibaatada badan ka jirto ee soo galootiga sida Rinkeby iyo Rosengård maadaama ay iyagu isaga guureen.

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here