Raysal wasaaraha Sweden oo fadeexad galay

17

Raysal wasaaraha Sweden Fredrik Reinfeldt ayaa fadeexad la soo daristay ka dib markii laga soo wariyay isaga oo oranaya in dadka “dhaladka Swedishka ah” aysan shaqo la’aan ahayn.

Raysal wasaaraha oo wareysi bixinayay ayaa mar la waydiiyay shaqo la’aanta ka jirta Sweden waxa uu uga jawaabay “Sax ma ahan in Sweden lagu tilmaamo wadan shaqo la’aan saa’id ah ka jirto. Haddii aad eegto Swedishka dhaladka ah heerka shaqo la’aantu aad ayuu u hooseeyaa”. Hadalkaas ayaa ka careysiiyay qaar badan oo ka mid ah siyaasiyiinta Sweden.

Erayada “Swedishka Dhaladka ah” ee uu isticmaalay raysal wasaaraha ayaa waxaa lagu tilmaamay mid uu ku kala qeybinayo bulshada, oo qaasatan uu muujinayo in shaqo la’aanta soo galootiga aysan ahayn dhibaato weyn. Raysal wasaaraha ayaa waxaa laga cambaareeyay dhinackasta oo xitaa ay ku jiraan xubno ka tirsan xulufada dowladiisa.

Gudoomiyaha xisbiga ugu weyn Sweden ee Social Demokraterna ayaa hadalka raysal wasaaraha ku tilmaamay mid foolxun, oo uu bulshada ku kala qeybinayo. Cunsuriyiinta ayaa soo dhaweeyay hadalka raysal wasaaraha oo ay sheegeen in uu muujinayo in dhibaatada wadanka ka jirta ay masuul ka yihiin soo galootiga.

Raysal wasaaraha oo la waydiiyay in uu sharaxo hadalkiisa ayaa u muuqday mid ka leex leexanaya in uu isticmaalo erayga mar labaad balse doonaya in uu qeexo shaqo la’aanta haysata soo galootiga iyo sidii xal loogu heli lahaa.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here