Rabshadaha ka dhacay Tensta

15

Habeen hore waxaa xaafada Tensta ee magaalada Stockholm ka dhacay rabshado ay sameeyeen dhalinyarada xaafadaas ku nool kuwaasoo dab qabadsiiyay iskuul iyo baabuur dhowr ah.

Dhacdadaan ayaa bilaabatay ka dib markii dhowr baabuur oo Boolis ah ay xaafada soo galeen iyadoo durbadiiba ay weerar dhagaxaan ah ku bilaabeen dhalinyarada xaafada ku nool. Booliska ayaa xiray afar ka mid ah dhalinyarada balse saacadu markay ahayad 10.30 habeenimo ayaa waxaa dhacday rabshad weyn iyadoo iskuul la gubay isla markaana dhowr baabuur dab la qabadsiiyay. ilaa 30 dhalinyaro ah ayaa la sheegay in ay boob iyo rabshad ugu dhaqaaqeen xaafada, sida guriga dabaasha. Booliska ayaa isku habarwacday iyadoo markii dambe la xiray afar kale oo dhalinyarada ka mid ah.

Ma ahan markii ugu horeysay ee dhalinyarada ku nool xaafadaha Rinkeby iyo Tensta ay sameeeyaan rabshado lagu gubay iskuul. Sanadkii 2010 ayay ahayd markii sidaan si la mid ah ay ka dhacday xaafada Rinkeby iyadoo ay dhalinyardu gubeen iskuul xaafadaas ku yaala.

Dhacdooyinkaan ka dhacaya xaafadaha ay soo galootigu u badanyihiin ayaa soo jiidatay dareenka dadka u dhashay wadanka iyo siyaasiyiinta. Magac xumada ay u soo jidayaan dhalinyaradaan dadka soo galootiga ah ayaa ah mid aad u balaaran iyadoo ay muujineyso, in dadka ku nool xaafadaas ay yihiin kuwo aan u hogaan saneyn sharciga iyo amniga wadanka ay martida ku yihiin. Qaasatan in la gubo goobaha waxbarashada ayaa ah mid xanuunkeeda leh iyadoo dowladu ay ku bixiso lacago badan sidii ay dadku u heli lahaayeen waxbarasho bilaash ah.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here