Norway ninkii lagu dilay waxa uu ahaa Soomaali

11

Isbuucii hore waxaan soo daabacnay warbixin ku saabsanayd nin Soomaali ah oo nin kale oo Afghanistan u dhashay ku dilay Norway, balse arintaas oo ay qoreen warbaahinta Norway ayaa hada u muuqata in ninka la dilay uu yahay nin Soomaali ah.

Arintaan ka dhacday magaalada Bergen ayaa ah mid xanuunkeeda leh iyadoo ninka Afghanistaanka ah ee ninka Soomaaliga ah midida ku dilay uu sheegay in isaga la soo weeraray oo ninka Soomaaliga ah uu weerarka ku soo qaaday, maadaama uu Islaamka ka baxay oo Kiristaan uu noqday. Afghanistaaniga ayaa sheegay in uu midida kala wareegay Soomaaliga ka dibna uu dilay.

Ninkaan Afghanistaan u dhashay ayaa colaada Soomaalida kala dhaxaysa aysan cusbeyn iyadoo sanadkii hore uu warbaahinta ku soo qoray in nin Soomaali ah uu biyo kulul ku shubay, weerarkaas ayuu sheegay in ay ka dambeysay maadaama uu Kiristaan yahay. Ninkii Soomaaliga ahaa ee biyaha ku shubay ayaa lagu xukumay 5 bilood oo xabsi ah iyadoo markii dambe xabsiga laga siidaayay ka dib markii ay cadaatay in arintu ay shil ku dhacday, iyadoo isla markaana sharciga la siiyay. Ninkaan Afghanistaan u dhashay ayaa Norway sharciga u diiday isagoo xitaa sheegay in uu Islaamka ka baxay oo nafsadiisu ay qatar ku jirto.

Iyadoo aysan wali cadeyn qaab uu ku dhacay dilka uu nafta ku waayay ninka Soomaaliga ah ayaa hadana waxaa muuqata in colaad ay kala dhexeysay ninkaan Afghanistaan u dhashay iyo Soomaalida. Ninkaan ayaa u muuqda mid sharciga Norway ku raadinaya isaga oo daandaansi diimeed la raadsanaya Muslimiinta kula jirta kaamka.

Kooxo Kiristaan ah ayaa hada ku doodaya in ninkaan uu ninka kale u dilay isdifaac isla markaana uu xaq u leeyahay in sharciga la siiyo. Balse Laanta Socdaalka Norway ayaa u muuqata in aysan ku qancin in uu ninkaan Kiristaan dhab ah noqday.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here