Haweeney saaxiibkeed dhamaan ilkaha ka saartay

26

Dalka Poland waxaa ka dhacday sheeko cajiib ah. Haweeney dentist ah ayaa saaxiibkeed oo ay kala tageen waxay ka saartay dhamaan ilkaha.

Haweeneydaan oo da’doodu tahay 34 sano laguna magacaabo Anna Mackowiak ayaa warbaahinta u sheegtay “waxaan isku dayay in aan isceliyo balse dareenka ayaa iga tanbadiyay”. Saaxiibkeed oo dhowr isbuuc ka hor ay kala tageen ayaa caawimaad ugu tagay ka dib markii uu ilig xanuun ka dareemay.

Haweeneydaan ayaa durbadiiba qol ku xiratay iyada oo aad ugu badisay daawada suuxinta si uusan u soo kicin mudo. Ka dibna waxay mid mid u bixisay dhamaan ilkihiisa. Ninka ayaa markii uu soo kacay waxay afkiisa dhan ku wareejisay sharooto iyada oo u sheegtay in uusan hada ilkihiisa dareemi karin daawada darteed.

“Waan dareemay in wax qaldanyihiin markii aan soo kacay, waayo waxaan dareemi waayay ilkahaygii” ayuu yiri ninka ilkaha laga saaray. “Balse ma filayn in ay sidaan samaynayso. Waxaan isdhahay shaqadeeda ayay qabsaneysaa”.

Ninkaan ayaa sidoo kale ku waayay dhacdada saaxiibtiisa cusub oo ka tagtay ka dib markii uu ilka beelay. Haweeneyda ayaa hada lagu soo oogay 3 sano oo xarig ah iyo in ay jabisay xeerka dhaqaatiirta.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here