Gabadh soo galooti ah oo Sweden guul u soo hoysay

17

Sweden ayaa ku guuleysatay tartanka heesaha ugu caansan Yurub ee lagu magacaabo Eurovision iyadoo ay guusha soo howsay gabadh soo galooti ah iyo nin madoow oo maraykan ah.

Gabadha lagu magacaabo Loreen Talhaoui ayaa ku dhalatay magaalada VästerÃ¥s sanadkii 1983 balse waalidkeed ayaa ka soo jeeda dalkaasi Morooko. Heesta ay qaaday Loreen oo lagu magacaabo “Euphoria” ayaa guushii ugu weyneyd u soo hoysay Sweden ilaa sanadkii 1999. Sweden ayaa guud ahaan ku guuleysatay 5 jeer tartanka heesaha Eurovision ilaa sanadkii la bilaabay ee 1956 balse guusha Loreen ayaa noqotay midii ugu weyneyd.

Iyadoo la raacayo sharciga u yaala tartanka heesaha Eurovision ayaa Sweden waxay marti galin doontaa sanadka soo socda.

Guusha ay Loreen  u soo hoysay  Sweden ayaa kor u qaadi doonta magaca soo galootiga iyo in la dareemo faa’iidada ay leeyihiin wadankaan. Haddii ay ahaan lahayd heeso ama daryeelka waayeelkooda.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here