Denmark: Soomaalida oo qiyaantay canshuuraha

70

Soomaalida ku dhaqan magaalada Aarhus ee Denmark ayaa lagu eedeeyay in ay sameeyeen qiyaano balaaran oo xaga canshuurta ah.

Xafiiska Canshuuraha Denmark ayaa sheegay in ay baaritaan ku sameeyeen 269 oo Soomaali ah kuwaasoo ay cadaatay in 248 ka mid ah ay canshuurta ka qiyaaneen lacag gaaraysa 12.5 milyan oo karoon. Soomaalida ayaa la sheegay in ay isticmaaleen nidaam qofku uu iskiis canshuurta u sheegi karo, iyagoo dalbaday canshuur celin aysan xaq u lahayn.

Dumarka Soomaalida ayaa la sheegay in ay codsadaan lacago caruurta iyaga oo aysan xaq u lahayn, halka ragga qaarkood ay dalbadeen canshuur celin iyaga oo cayr qaata. Madaxa Xafiiska canshuuraha Denmark ayaa dabeecada Soomaalida ku tilmaamay mid aan la aqbali karin.

Wargeyska Jyllands-Posten ayaa qaar ka mid ah jaaliyadaha Soomaalida wax ka waydiiyay arintaan, iyagoo qaar badan ay sheegeen in aysan waxba kala socon qiyaanadaan. Balse Soomaali kale oo magacooda qariyay ayaa sheegay in ay la socdaan arinta isla markaana ay tahay arin Soomaalidu ay la dhacsanyihiin.

Xafiiska canshuuraha ayaa hada bilaabaya in uu baaritaan guud ku sameeyo guud ahaan Soomaalida ku dhaqan Denmark si loo ogaado in arintu ay tahay mid ay ka wada simanyihiin iyo in ay ku koobantahay magaalada Aarhus oo keliya.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here