20,000 ayaa dacwo lagu keenayaa

55

Laanta Socdaalka ayaa warbixintii ugu dambeeyay ee ay ka soo saartay arimaha mideynta qoysaska soomaalida ku sheegtay in la filayo ilaa 20,000 oo Soomaali ah in dacwo lagu keeno sanadkaan iyo sanadka xiga.

Warbixinta Laanta Socdaalka ayaa lagu sheegay in dadka badankoodu ay imaanayaa dhamaadka sanadkaan iyo sanadka 2013. Codsiyada ugu badan ayaa la filayaa in lagu qaabilo safaarada Sweden ee ku taala Addis Ababa. Goobo cusub oo wareysiyada lagu qaado ayaa la samaynayaa iyo shaqaale dheeri ah ayaa loo qori doonaa safaaradaha Addis Ababa iyo Nairobi.

Warbixinta ugu dambeysay ee ka timid safaarada Addis Ababa ayaa lagu sheegay in halkii bil ay safaarada soo gaadhay 1000 kiis. Safaarada Kampala ayaa la sheegay in ay bishii qabatay 120 kiis. Safaarada Kampala ayaa sheegtay in waqtiga sugitaanka wareysiga uu gaarayo labo bilood. Waxaa muhiimada la siinaya kiisaska ay ku jiraan caruurta qaangaarka ku dhow.

Safaarada Nairobi ayaa Laanta Socdaalku cadeysay in la furayo bilowga bisha nagu soo aadan ee Juun. Laanta Socdaalka ayaa fileysa in kiisaska laga xareeynayo safaarada Nairobi ay soo gaadhi doonaan bilaha dambe ee sanadkaan 2012 iyo bilowga 2013. Laanta Socdaalka ayaa sheegtay in marka uu codsigu soo gaadho ay iyaga ku qaadato sida caadiga ah 2-3 bilood in qofka ay sharciga siiyaan.

Laanta Socdaalku waxay sheegtay in dadka badankoodu imaanayaan 2013. hada ayaa waxaa u yaala 3000 oo kiis oo ay baaritaankooda u fadhiyaan. tiradaas waxaa ka mid 1200 oo kiis oo ah dadkii horay maxkamaduhu diidmada u siiyeen. Dadkaas ayaa hada muhiimada la siinayaa oo go’aamada ugu horeeya laga gaarayaa.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here