“18 sano ayay shaqo raadis ahayd”

8

Qisadaan waxay ku dhacday haweeney soo galooti ah oo ku nool magaalada Borlänge oo mudo 18 sano ah shaqo raadis ku jirtay.

Haweeneyda lagu magacaabo Borka Markovic oo 63 jir ah waxay Sweden soo gashay mudo ka hor iyadoo 18 sano baadi goob ugu jirtay sidii wadankaan ay shaqo uga heli lahayd oo nolol fiican uga abuuri lahayd balse meelkasta oo ay shaqo ka dalbaday waxaa loogu soo jawaabay “waanka xunahay” ama “tyvärr”.

Waraysi ay siisay idaacada Sverige ayay Borka ku cataabtay miraha ka soo bixi waayay dadaalkii ay u gashay in ay shaqo ka hesho Sweden. Waxay sheegtay in marar badan looga wacay xafiiska shaqada (Arbetsförmedlingen) kuwaasoo ay sheegtay luuqada keliya ee ay ku hadlaan in ay tahay “måste, måste” ama waa in aad sidaa samaysaa iyo sidaas. Borka waxay sheegtay in uusan qofku lahayn xoriyad uu ku go’aamiyo waxa uu doonayo balse horay loogu go’aamiyay. Waxay intaas ku dartay in loo diray baraatiik badan oo aysan ku helin wax shaqo ah .

Mar la waydiiyay haddii ay jeceshahay in ay wadankeedii ku laabato ayaa jawaabta Borka waxay ahayd mid aan ka leexleexad lahayn. Haa, ayay tiri “barito ayaan duuli lahaa haddii aan fursad haysto balse wax aan ku laabto ma jiraan.”

Qisada haweeneydaan ayaa tusaale u ah cabashooyin badan oo ay qabaan soo galootiga. Shaqo la’aanta ka sakoow ayaa waxaa u dheer in aysan jirin xoriyad mar haddii uu qofku lacag ka qaato xafiiska cayrta.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here