Warbixin ku saabsan halka ay marayso xaalada Mideynta qoysaska Soomaalida

41

Haweenay lagu magacaabo Lena Rösell oo ka tirsan urur ka shaqeeya arimaha bulshada oo lagu magacaabo Sociala Missionen ayaa soo ururisay macluumaad muhiim ah oo ku saabsan halka ay marayso xaalada mideynta qoysaska Soomaalida.

Lena ayaa xiriir la samaysay Laanta Socdaalka (Migrationsverket) iyo Safaaradaha Sweden ee ku yaala Addis Ababa iyo Nairobi si ay uga hesho macluumaadka ay soo diyaarisay.

Arinta cusub ee laga dheehan karo warbixinta Lena ayaa waxaa ugu muhiimsan in safaarada Nairobi aysan wali shaqo bilaabin isla markaana aysan xaqiijin waqtiga ay dib u furayaan hawsha waloow ay ka dhawaajiyeen in ay u badantahay bisha July/Augusti 2012 waqtigaas in ay dib  hawsha u bilaabaan. Bisha soo socota ayay si rasmi ah u xaqiijin doonaan xiliga ay safaaradu dib u furmi doonto.

Dadka ku nool Kenya ayaysan hada suurto gal u ahayn in ay wax dacwo ah xareeyaan iyagoo ay u furantahay in ay dacwada ka dhiibtaan safaaradaha Addis Ababa ama Kampala.

Dhinaca kale safaarada Addis Ababa ayaa shaqadu si fiican uga socotaa sida Lena warbixinteeda ku sheegtay inaguna aan dhowr jeer u soo qornay. Arinta muhiimka ah ee laga faaideysanayo warbixinta Lena ayaa ah in safaaradu ay sheegtay in dadka ay muhiimada kala siinayaan oo go’aamada ugu horeeya laga gaarayo dadka caruurta leh, qaasatan kuwa caruurtooda ay qaangaarka ku dhowyihiin iyo caruurta iyagu aan la joogin waalidkood.

Safaarada ayaa sidoo kale ka dhawaajisay in ay durbadiiba qabteen dhowr kun oo codsi. Arinta kale ee muhiimka ah ayaa ah in dadku ay codsigooda ka xareyn karaan internetka iyaga oo aan safaarada tagin taasoo u badbaadinaysa waqti iyo lacag.

Website laanta Socdaalka ayaa laga xareysan karaa dacwada iyadoo haddii lacag lagaa doonayo aad halkaas ka dhiibi karto. Qofka Sweden jooga iyo kan dibada jooga labadu internetka dalabka waa ka dhiibi karaan. Qofka internetka ka dalbada dacwada waxa uu safaarada tagayaa markii loogu waco waraysi ama in DNA laga qaado.

Qaabka dacwada looga xaraynayo internetka ma ahan mid fudud balse qofkii doonaya in uu tijaabiyo waxa uu gali karaa halkaan http://www.migrationsverket.se/info/5517.html – Waxaan isku dayi doonaa in aan soo faahfaahiyo qaabka looga xareysanayo dacwada internetka.

Ugu dambeyntii dhinaca lacagaha layska qaadayo waa sidii aan horay ugu soo qornay mowduucyadii aan ka qornay safaarada Addis Ababa oo aad halkaan ka dheehan karto.

http://somaliska.net/faahfaahin-ku-saabsan-shaqada-safaarada-sweden-ee-addis-ababa/

http://somaliska.net/warbixin-ku-saabsan-shaqada-safaarada-sweden-ee-addis-ababa/

 

Sidoo kale, halkaan waxaad ka akhrisan kartaa macluumaad gaar ah oo Laanta Socdaalku u diyaarisay Soomaalida.http://www.migrationsverket.se/info/5515.html

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here