Shaqaalaha Laanta Socdaalka oo handadaad lagu sameeyo

14

Shaqaalaha ka hawl gala Laanta Socdaalka Sweden (Migrationsverket) ayaa la sheegay in lagu sameeyo cabsi galin iyo weeraro gacan ka hadal ah.

Sida uu qoray wargeyska Sydsvenskan 349 dhacdo ayaa laga soo wariyay xarumaha laanta Socdaalka sanadkii la soo dhaafay iyadoo 58 ka mid ah dhacdooyinkaas ay yihiin gacan ka hadal lagula kacay shaqaalaha Laanta.

Dhacdooyinka ugu badan ee la xiriira gacan ka hadalka lagu sameeyo shaqaalaha ayaa ka dhaca xarumaha lagu haaayo dadka la celinayo maadaama dadkaas ay yihiin kuwo ka rajo beelay in ay degenaansho ka helaan Sweden.

Balse sidoo kale waxaa dhibaatooyin ka dhacaan xarumaha lagu qaabilo magangalyo doonka, iyadoo bishii September ee la soo dhaafay ay ka dhacday mid ka mid ah xarumaha Laanta Socdaalka in nin diidmo la siiyay intuu soo galay xarunta uu garaacay turjumaankii iyo in uu qarbuday qalabkii xaafiiska Laanta Socdaalka.

Afti laga qaaday shaqaalaha Laanta Socdaalka ayaa lagu soo bandhigay in inta badan ay la daristo cabsi iyo weeraro lagu sameeyo iyadoo qaar badan aysan wax dacwad ah ka gudbin. Maamulka sare ee Laanta Socdaalka ayaa lagu eedeeyay in aysan si dhab ah ula socon xaalada. Iyadoo arintaas ay walwal ka muujiyeen ururka shaqaalaha.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here