Nin dowlada ka dhunsaday lacag ku gaaraysa 60 milyan

8

Nin soo galooti ah ayaa dowlada ka dhunsaday lacag lagu qiyaasay ilaa 60 milyan oo karoon ka dib markii uu  abuuray shirkad ku shaqaysa suuqa madoow.

Ninkaan oo lagu magacaabo Hassan Charkas ayaa abuuray shirkad lagu magacaabo Charkas assistans taasoo la sheegay in ay daryeel siiso dadka handikaabka ah balse waxaa la sheegay ninkaan in uu macaamiisha ka dhaadhiciyay in ay been abuuraan in ay cuuryaanyihiin taasoo uu dowlada lacag badan uga qaatay.

Hassan ayaa la sheegay in lacag gaaraya 34 milyan oo karoon uu ku shubtay bangi dibada ku yaala. Lacagta ayaa la sheegay in uu ka qaatay qasnada caymiska (Försäkringskassan).

Si kastaba ha ahaatee ninkaan ayaa diiday dhamaan dambiyada lagu soo oogay isagoo shirkadiisa ku wareejiyay wiilkiisa. Isaga ayaa laga mamnuucay in uu wax ganacsi ah sameeyo mudo 3 sano ah. Xafiiska canshuuraha ayaa sidoo kale ninkaan kala wareegay 10 milyan oo karoon.

Shirkadaha nuucaan ah ayaa ah kuwo aan cusbayn balse markii laysku qabto ayay u badantahay in uu qofku wajihi karo cinqaab kala duwan oo isugu jirta xabsi iyo ganaax lacageed oo badan.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here