Maamulka kamuunka Växjö oo Soomaalida ku booqanaya Kenya

29

Maamulka degmada Växjö ayaa wafdi u diraya Kenya si ay ula kulmaan ku dhawaad 700 oo Soomaali ah oo la filayo in ay yimaadaan gobolka Kronoberg.

Waftidigaan oo ka kooban 9 qof oo uu hogaaminayo ninka lagu magacaabo Per Sandberg oo kamuunka u qaabilsan arimaha qoysaska ayaa kulan la qaadan doona qaar ka mid ah Soomaalida la filayo in ay yimaadaan magaalada Växjö, iyagoo daraasad ku samayn doona baahida dadka cusub iyo waxyaabaha loo qaban karo marka ay Sweden yimaadaan.

Wafdiga ayaa waxaa ku jira xubno ka tirsan maamulka kamuunka, dhaqaatiir iyo macalimiinta iskuulada. Per Sandberg ayaa sheegay in aysan u tagayn dalxiis balse ay doonayaan in ay arkaan xaalada ay ku suganyihiin dadkaas iyo in ay helaan macluumaad dheeri ah.

Maanta ayaa dhinaca kale waxa uu kulan dhacay Växjö kaasoo ay isugu yimaadeen kamuunada Gobolkaas si ay uga arin sadaan diyaar garowga loo samaynayo Soomaalida cusub.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here