Koox magangalyo doon ah oo lagu xukumay xabsi iyo musaafurin ka dib kufsi

22

7 nin oo magangalyo doon ah ayaa lagu xukumay xabsi dheer iyo in dalka laga musaafuriyo ka dib markii ah koox ku kufsadeen gabadh ay gurigooda keeneen.

Raggaan oo u dhashay Afghanistan ayaa la sheegay in gabadha ay kufsadeen ka dib markii uu mid ka mid ah xaflad ku casuumay ka dibna intay qol ku xirteen ay fayl ka galeen. Gabadhaan oo da’deeda lagu sheegay 29 jir ayaa la sheegay in habeen dhan ay u xirnayd raggaan iyagoo isaga laalaabtay ilaa markii dambe ay heshay fursad ay booliska ku wargaliso.

Gabadha la kufsaday ayaa sheegtay in raggaan oo xitaa uu ku jiro midkii balanta u dhigay uusan midna isku dayin in uu joojiyo dambiga laga galay balse ay ku qoslaayeen qaarna sacab tumayeen.

Raggaan ayaa dhamaantood diiday dambiga lagu soo oogay balse labo ayaa qiratay in ay gabadha u galmoodeen balse ay taasi ahayd ogolaansho. Si kastaba ha ahaatee maxkamada ayaa sheegtay in ay hayaan cadeymo muujinaya in raggaan dambiga galeen. Raggaan ayaa 6 ka mid ah waxaa lagu xukumay 6 sano halka midna lagu xukumay 4 sano. Waxaa kale oo lagu xukumay in dalka laga saaro marka ay xabsiga dhamaystaan oo aan loo ogolaan 15 sano in ay dib ugu soo noqdaan Sweden.

Gabadha ayaa sidoo kale lagu abaalmariyay 300,000 oo kr.

Kiiska raggaan ayaa ah mid ceeb u soo jiiday bulshada soo galootiga, sidoo kalena waa mid ay dacaayad u isticmaali doonaan cunsuriyiinta oo markasta ku dooda in soo galootigu ay ka dambeeyaan dambiyada wadanka ka dhaca qaasatan kufsiga.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here