Caruurtii ugu badnayd oo iska dhiibtay Sweden

6

Caruurta aan la wehlin ee da’dooda ka yartahay 18 sano ayaa Sweden ka doortay wadamada kale ee Yurub sida lagu soo daabacay bogga Laanta Socdaalka.

Sweden ayaa sanadihii 2010 iyo 2011 waxay ahayd wadanka qaabilay caruurta ugu badan ee timid Yurub. Sanadkii 2011 ayaa Sweden waxaa iska dhiibay caruur gaareysa 2 657 qof oo inta badan ka yimid wadamada Afghanistan, Somalia, Eritrea iyo Ciraaq. Magangalyo doonka ka yimid Afghanistan ayaa 95% waxaa la siiyay ogolaasho.

Guud ahaan wadamada Yurub ayaa waxaa iska dhiibay 8 175 caruur ah iyadoo inta badan ay ka yimaaddeen Afghanistan.

Inkastoo ay sii kordheyso tirada dadka isku dhiibaya 18-ka sano ka yar ayaa hadana waxaa dhibaato ka haysataa Laanta Socdaalka halkii ay geyn lahaayeen dadkaan iyadoo ay diideen kamuunada Sweden in ay qaabilaan caruurta.

Wasiirka Socdaalka ayaa ku baaqay in kamuunada lagu qasbo in ay qaataan caruurta. Kamuunada qaarkood ayaa ka cabanaya in dadkaan caruurta isku dhiibay aysan si wanaagsan u dhaqmin.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here