Dowlada Ciraaq oo doonaysa in ay iskuulo ka furato Sweden

7

Dowlada Ciraaq ayaa doonaysa in ay Sweden ka furato iskuulo ku baxaya luuqada carabiga oo ay wax ka bartaan Ciraaqiyiinta ku nool dalkaan.

Safiirka Ciraaq u fadhiya Sweden ayaa warqad codsi ah oo uu u diray wasaarada Waxbarashada waxa uu ku sheegay in iskuuladaan ay noqon doonaan iskuulo u dhigma kuwa caalamiga ah oo manhajkoodu uu noqon doono midka Ciraaq. Sababta ayuu sheegay in ay tahay in dowlada Ciraaq ay filayso in dad badan ay dalkii dib ugu laabtaan, oo ay doonayaan dadka soo laabanaya in ay yihiin kuwo waxbarashada wadanka la qabsan kara isla markaana luuqada Carabiga si wanaagsan ugu hadli kara.

Safiirka ayaa sheegay in qaasatan arintaan loogu tala galay dhalinyarada oo uu sheegay in ay ku liitaan luuqada, oo xitaa caruurtiisa aysan Carabi fiican ku hadli karin. Mar wax laga waydiiyay haddii arintaan ay dhibaato ku noqon karto barnaamijka isdhexgalka Sweden ayuu sheegay in aysan jirin midaasi oo ardadu ay dooran karaan iskuulka ay doonayaan.

Codsiga safaarada ayaa lagu sheegay in Ciraaqiyiin badan ay doonayaan in dalkoodii ay ku noqdaan qaasatan dadka wadankaan aan la qabsan oo aan shaqada ka helin. Codsiga iskuulka ayaa hada waxa uu go’aan ka sugayaa wasaarada waxbarashada iyadoo ka dibna loo gudbin doono Waaxda Baaritaanada iskuulada (Skolinspektionen).

Dowlada Ciraaq ayaa sidoo kale qorsheynaysa in iskuulo nuucaan ah ay ka furato wadamada kale ee Yurub. In la aqbalo codsagaan ayaan noqon doonin mid fudud maadaama dadka Ciraaqiyiinta ah ee wadankaan ku nool inta badan la siiyay deganaansho rasmi ah. Ciraaqiyiinta ku nool Sweden ayaa lagu qiyaasaa 250,000

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here