Magangalyo doon kufsi iyo dhaawac isugu geystay Boden

14

Sida uu qoray wargeyska NSD nin 20 jir ah ayaa sheegay in ay kufsadeen 3 nin oo magangalyo doon ah oo ku jira kaam ku yaala magaalada Boden ee waqooyiga Sweden.

Dhacdadaan oo la sheegay in ay dhacday isbuucaan ayaa ninkaan oo ka mid ah magangalyo doonka ku jira xerada uu sheegay in si xoog ay u kufsadeen 3 ka mid ah magangalyo doonka kale ee xerada ku jira. Sidoo kale xerada ayaa laga soo sheegayaa tuugo, iyo qalalaase joogto ah oo u dhexeeya magangalyo doonka iyadoo la sheegay in nin Eretriyaan ah si xun midi loogu dhaawacay.

Booliska ayaa habeenkii arbacada soo xiray labo nin oo la sheegay in ay ku luglahaayeen kufsiga iyo tuugada ka taagan kaamka. Wareysi lala yeeshay magangalyo doonka ku jira xerada ayay sheegeen in ay meesha ka jirto cabsi iyo amaan dari baahsan.

Xiriir aan la sameeyay mid ka mid ah Soomaalida ku nool Boden ayaa ii sheegay in aysan jirin wax kufsi ah oo ka dhacay xerada magangalyo doonka balse ay jiraan ragg u dhashay Afghanistan oo arintaan ka been sheeganaya si ay sharci ugu helaan.

Laanta Socdaalka ayaa sheegtay in sababta ka dambeysa qalalaasaha ka jira xerada ay sabab u tahay qilaaf xaga dhaqanka iyo diinta ah oo soo kala dhexgalay qaar ka mid ah magangalyo doonka.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here