Dhaqaalaha wadanka oo hoos u dhacay iyo soo galootiga oo la eedeeyay

27

Wasiirka maaliyada Sweden Anders Borg ayaa saakay soo bandhigay miisaaniyada dowlada ee xiliga kuga taasoo muujiyay in shaqo la’aantu ay kor u kacday.

Inkastoo Sweden ay ka badbaaday dhaqaalo xumida ka jirta wadamo badan oo Yurub ah, ayaa hadana wasiirku soo bandhigay in ay xaaladu ka liidato sidii sanadkii hore marka laga eego xaga shaqo la’aanta oo ay ugu horeeyaan dadka soo galootiga ah iyo dhalinyarada.

Soo galootiga ayaa si guud loogu eedeeyaa in ay yihiin dhibaatada hortaagan in ay yaraato shaqo la’aantu maadaama ay in badan ku xiranyihiin cayrta oo ay ku qaadato qofka soo galootiga mudo dheer in uu shaqo ku helo.

Wasiirka ayaa sidoo kale ka hadlay guryo la’aanta ka jirta magaalooyinka waaweyn sida Stockholm, isagoo sheegay in taas lagu xalin karo in la fududeeyo kala kireysiga guryaha ee loo yaqaan gacanta labaad.

Dhinaca kale dowlada ayaa cadaadis ka saaranyahay dhinaca fikrada codbixinta iyadoo la soo bandhigay in taageerada xisbiga Social Demokraterna ay aad kor ugu kacday, halka tan dowlada ay hoos u dhacday. Haddii maanta doorashada la qaban lahaa ayaa dowlada looga guuleysan lahaa si aqlabiyad ah.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here