Nin magangalyo doon ah oo dhowr saacadood xayiray wadooyinka Uppsala [Video]

25

Shalay maqribkii ayaa bartamaha magaalada Uppsala waxaa ka dhacday dhacdo ay isugu soo bexeen dadka iyo booliska ka dib markii uu nin magangalyo doon ah midi dhuunta iska saaray.

Ninkaan ayaa la sheegay in uu yimid xafiiska kamuunka Uppsala isaga oo hadal yar la yeeshay shaqaalaha ka dibna intuu midi la soo baxay lagu kala cararay meeshii oo shaqaalahu ay durbadiiba booliska weceen. Ninkaan ayaa dibada u soo baxay isagoo midi dhuunta iska saaray kuna hanjabay in uu nafta iska qaadayo.

Booliska ayaa mudo dhowr saacadood ah isku dayay in ay ninkaan badbaadiyaan oo ay ka dhaadhiciyaan in uu midida iska dhigo. Sababta ka dambeysa in uu ninkaan ku hanjabo in uu nafta iska qaadayo ayaa la sheegay in ay sabab u tahay ka dib markii Laanta Socdaalka ay siisay diidmo lagu amray in uu wadanka isaga baxo.

Ugu dambeyntii saacadu markay gaadhay kl. 19:00 ayaa boolisku ku guuleysteen in ay ninkaan midida ka dhigaan isagoo iskiis isku dhiibay. Booliska ayaa durbadiiba u qaaday hospitaalka maadaama la sheegay in uusan sidaa u wanaagsanayn xaaladiisa caafimaad. Ninkaan ayaa la sheegay in uusan cidna wax gaarsiin isla markaana uusan wax hanjabaad ah u geysan shaqaalaha kamuunka.

Dhalashada ninkaan ayaan la cadeyn balse uma muuqdo in uu Soomaali yahay.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here