Dilaagii Norway oo la cadeeyay in uusan waalnayn

11

Ninkii dadka badan ku xasuuqay Norway sanadkii la soo dhaafay ayaa dhaqaatiirtu cadeeyeen in uusan madaxa ka jiranayn sidii markii hore ay dhaqaatiir kale sheegeen.

Anders Behring Breivik oo 77 qof ku dilay magaalada Oslo iyo jasiirada Utøya ee ku dhow Oslo 22-kii bishii July 2011, ayaa dhaqaatiir hore u sheegeen in uu qabay cudur lagu magacaabo “paranoid schizophrenia” taasoo macnaheedu yahay in ninkaan la geyn lahaa halka lagu xanaaneeyo dadka madaxa ka jiran. Maxkamada ayaa hada go’aansatay in ninkaan dambi toos ah lagu qaado oo loo diri doono xabsi maadaama la cadeeyay in uusan waalneyn.

Breivik ayaa xasuuqa u geystay caruur ka tirsanayd xisbiga maamula Norway, iyadoo dadka uu laayahay ay ku jireen dhalinyaro Soomaali ah. Markii la waydiiyay sababta ku kaliftay in uu dadkaan xasuuqo ayuu sheegay in uu dagaal kula jiro Islaamka Yurub ku faafaya.

Breivik ayaa la sheegay in uu lahaa qorsheyaal waaweyn iyo in uu sameeyay shabakad uu kula xiriiro kuwa kale ee neceb Islaamka iyadoo laga cabsi qabo in qaar isaga la mid ah ay wali dadka ku dhex jiraan.

Si kastaba ha ahaatee, go’aanka ugu dambeeya ayaa laga gaari doonaa kiiska ninkaan Bisha July ee sanadkaan. Balse waxay u badantahay in haddii xabsi lagu xukumo uu dhowr iyo toban sano ka dib xoriyadiisa dib u heli doono.

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here