Norway: Soomaali iyo Carab ku dagaalantay xerada magangalyo doonka

18

Xero ay ku jiraan magangalyo doonka iska dhiibay Norway oo ku taala magaalada Sunndal ayaa waxaa ka dhacay dagaal balaaran oo dhex maray Soomaali iyo Carab.

Arinta ayaa la sheegay in ay ka dhalatay ka dib markii wax la gaarsiiyay mid ka mid ah magangalyo doonka iyadoo labada kooxood ay u kala safteen 10 Soomaali ah iyo 30 carab ah oo isugu jira Morookaan iyo Falastiiniyiin.

Xaalada ayaa gaadhay meel kulul iyadoo labo qof la sheegay in ay ku dhaawacmeen gacan ka hadalka oo xitaa boolisku uu xakameyn waayay mudo dheer. Booliska ayaa xitaa u wacday eeyaha iyadoo markii dambe xaalada la dajiyay.

Booliska ayaa ugu dambeyntii 3 qof xabsiga dhigay iyadoo labo la siidaayay halka mid kale lagu reebay xabsiga si wax looga waydiiyo in uu midi qof ku weeraray.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here