Wasiirka isdhexgalka oo booqasho ku tagay Katrineholm [Video]

18

Dhowr jeer ayaan wax ka qornay magaalada Katrineholm iyo gudoomiyaha degmadaas oo ku celceliyay in uusan dooneyn Soomaalidu in ay u soo badato magaaladiisa.

Gudoomiyaha Katrineholm ayaa waxa uu horey warqad ugu qoray dowlada, isagoo doonayay in uu kala hadlo arinta isdhexgalka iyo bixinta qarashka ku bixi doona Soomaalida cusub ee imaanaysa magaaladaasi.

Hadaba wasiirka Isdhexgalka Erik Ullenhag ayaa booqasho ku yimid magaalada Katrineholm oo la kulmay duqa magaalada iyo Soomaalida ku dhaqan halkaasi si looga wada hadlo sidii dadka cusub oo la filayo in ay gaaraan 400 oo qof loogu caawin lahaa arimaha isdhexgalka.

Dowlada ayaa ka bilaabata sanadkii 2010 dhamaadkiisii waxay arinta soo dhaweynta u xilsaartay xafiiska shaqada (Arbetsförmedlingen) taasoo keentay in kamuunadu ay ku waayeen lacag badan oo halkaasi ka soo gali jirtay. Kulanka wasiirka iyo duqa magalaada ayaa la sheegay in aysan ka soo bixin wax la taaban karo oo go’aamo ah.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here