Vilks oo ku cataabay in weerarada lagu hayo ay guuleysteen

30

Ninka caadeystay aflagaadada nabiga (nnkh) ee lagu magacaabo Lars Vilks ayaa mowduuc uu warbaahinta ku qoray ku sheegay in weerarada lagu haayo ay guuleystay oo ay yaraadeen goobihii uu bandhigyada ka sameyn jiray.

Vilks ayaa sheegay in weerarada isdaba jooga ah ee isugu jira gacan ka hadalka, handadaada dilka iyo arbushaada bandhigyadiisa ay keeneen in ay dadkii uu bandhigyada u sameyn jiray ay ka labalabeeyaan shaqadiisa. Vilks ayaa ku soo caanbaxay ka dib markii uu sameeyay kartoono aflagaado ah oo ka dhan ah Nabi Muxamed (nnkh). Ka dib markii uu qeylo dhaan ka abuuray caalamka Islaamka ayuu sidaas magac ku yeeshay oo bilaabay in jaamacadaha iyo ururada uu ka jeediyo bandhigyo ku saabsan waxa uu ugu yeero “xoriyada hadalka”.

Si kastaba ha ahaatee waxaa muuqata in ilihii dhaqaalaha ee uu ku tashanjiray Vilks ay sii yaraanayaan maadaama jaamacadihii iyo ururadii u yeeran jiray ay hada is leeyihiin yaan laydinku xariirin ninkaan oo xitaa la sheegay in kartoomada uu sameeyo ay yihiin kuwo tayo liita.

Dhacdadii ugu dambeysay ayaa ka dhacday jaamacada Karlstad ka dib markii lagu tuuray ukumo markii uu bilaabay in uu soo bandhigo kartoomadiisa. Hada ka horna waa tii jaamacada Uppsala lagu feeray isaga oo bandhig sameynaya.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here